Londoneyenet.com
Madaxweynuhu Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuxuu uu kulama la yeeshay madaxda dalalka Afrika ee ka qaybgalay shirka Midowga Afrika waxaana ka mid ahaa: Madaxweynayaasha Jabuuti, Uganda, Gaabon, Madaxda Midowga Africa; Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Nayjeeriya, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sweden, madaxa Qaybta Nabadda iyo Amniga ee Africa, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya, Madaxa qaybta EU u qaabilsan Africa.
Maanta oo la filayo in uu shirku soo gabagaboobe, waxaa wafdiga Madaxweynuhu la kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, waxa ayna la ballansan yihiin Madaxweynaha Gaaboon, Madaxweyne ku xigeeenka Gambiya, Masuuliyiinta Raashka, Madaxda Rewanda iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Maalintii koowaad ee shirka, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu kulan dheer la qaatay hoggaamiyaha Libiya, Madaxweynaha Sudan, Madaxweynaha Burindi, Ra’iisul Wasaaraha Spain, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan iyo laba Ku Xigeen Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Marakanka.
Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu la qadeeyey madaxweynayaasha Gabon, Jasiiradda Comoro iyo Madaxweynaha South Africa oo isagu casuumaad booqasho u fidiyey Madaxweynaha Soomaaliy.
Dhammaan madaxdaas ay is arkeen Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu kala hadlay sidii dadka iyo dowladda Soomaaliyeed gacan looga siin lahaa xasilinta dalka, ka adkaanta Al-qaacidda iyo Al Shabaab iyo gacan siinta dadka tabaalaysan, dhammaan madaxdaasina waxay ballan qaadeen in ay dowladda gacan siinayaan.
Londoneyenet.com