Londoneyenet.com | Local and World News Update
 
 
 
URURKA WEYN EE LAGU MAGACAABO SEUKI AYAA CASHO SHARAF LOOGU SAMEEYEY XAAFADDA STREATHAM EE KA TIRSAN MAGALADA LONDON
This article has been published at: Wed 14 Apr 2010 21: 48: 33 and viewed 51 Times
londoneyenet.com Wafdigan Seuki ee uu hogaaminayey mudane Xirey Axmed Roble oo ah madxweynaha ururkaasi ayaa ujeedada ay halkan u yimaadeen aheyd casuumid ay u fidiyeen kooxda Leicester Utd oo ka dhisan isla magaaladaas Leicester, xubinna ka ah kooxaha ka qeyb gala ciyaaraha xagaaga ee dalka Sweden. kooxda Leicester utd ee sanad walba qaban-qaabiya koobka lagu magacaabo SUPER CUP ayaa ku casuuntey magaaladeeda ururka SEUKI oo qori tuurkoodu ku beegnaay bishan April. ururkan Seuki ee ka mid ah ururada ugu waaweyn ee qaban qaabiya ciyaaraha xagaaga ee ka dhaca yurub gaar ahaan caasimadda Stockholm ee dalka sweden ayaa xalay casho sharaf loogu sameeyey xaafad ka tirsan xaafadaha ugu waaweyn magaalada London taasoo lagu magacaabo STREATHAM. waxayna xalay cashadani ka dhacdey restorentiga lagu magacaabo MAQSOUD ee ku yaallo xaafadda isla xaafadda Streatham waxaana wefdigan si diiran ugu soo dhoweeyey mudane Xarbi Cali Raage iyo Max'ed Max'ud dheere ee loogu naaneysoLagiig. Xarbi iyo Lagiig waxay labadooduba ka tirsan yihiin isla ururka Seuki balse deegaankooda ayaa ahaa magaalada London. gunaanadkii casho sharaftaas waxaa ka hadley mudane Lagiig, oo ku soo dhoweeyey madaxweynaha ururka SEUKI mudane Xirey Roble, hadal gaaban ka dibna waxuu mudane Xirey ku soo dhoweeyey halyeeyaddii kubadda koleyga Xaawo Taako oo si habsami ah u soo gunaanudey xafladaasi tan iyo kulantideena dambena waxaanu idinka tegeynaa nabad gelyo londoneyenet.com
Username:
Password:
Online Users: 5
Total Visits:  
Cali Mahdi 22 Dec 2008
 
 
Copy Right © 2008 Londoneyenet.com All rights Reserved