Londoneyenet.com | Local and World News Update
 
 
 
QANYARE OO U ABTIRIYEY AADAN MADOOBE IYO SHEEKH SHARIIF
This article has been published at: Thu 29 Apr 2010 20: 37: 29 and viewed 46 Times
Londoneyenet.com Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah mudanayasha baarlamaanka ee qaba inuu dhammaaday xilligii guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tuntay Axdiga Qaranka. Mudane Qanyare ayaa ku adkeysanaya in guddoonka baarlamaanka uu waqtigii shaqo ka dhamaaday, loona baahan yahay in Xildhibaannadu y doortaan guddoon cusub. "Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe waa dhacay waxaana ka dhammaaday waqtigii shaqo, waxaana si toos ah ula saftay Madaxweyne Sheekh Shariif oo sheegay in haddii uu dhaco uu isaguna dhacayo" ayuu yiri Xildhibaan Qanyare. Xildhibaanka oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in xiligii guddoonka baarlamaanka uu ku ekaa bishii Ogoosto ee sannadkii hore, balse uu Sheekh Aadan Madoobe kala diray Baarlamaanka si aanu kulamo u yeelan. "Markii ay dhici waday inuu furmo baarlamaanka Xildhibaannadu waxay go'aan ku gaareen inay soo saaraan fikirkooda ku aaddan guddoonka Baarlamaanka mana dhacyso in la yiraahdo weli waqtigiisa ma dhamaan" ayuu yiri Mudane Qanyare. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa rumeysan inuusan ka dhamaan xilligiisii shaqo sidaa daraadeedna uusan xilka ka tagay, isagoo ku eedeeyay xildhibaannada kasoo horjeeda inay yihiin kuwo xiriir la leh Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin. Khilaafka Baarlamaanka ayaa waxaa faragelin kusoo sameeyay Beesha Calaamka, iyadoo wafdi ka socda dalka Jabuuti uu isku keenay Madaxda Dowladda laguna heshiiyay in dib loo furo fadhiyada Baarlamaanka. Guddoomiye ku xigeenkii 2-aad ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre oo ku sugan dalka Iiraan ayaa sheegay inuu xilkaas iska casilay, kaddib markii uu gawaaqsaday inuu dhammaaday xilligii guddoonka Baarlamaanka. Londoneyenet.com
Username:
Password:
Online Users: 5
Total Visits:  
Cali Mahdi 22 Dec 2008
 
 
Copy Right © 2008 Londoneyenet.com All rights Reserved