Londoneyenet.com | Local and World News Update
 
 
 
AADAN MADOOBE OO OGOLAADEY QORSHE LOO SOO JEEDIYEY
This article has been published at: Thu 29 Apr 2010 20: 49: 13 and viewed 37 Times
Londoneyenet.com Guddooomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheeh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa aqbalay in codka kalsoonida ay u qaadaan Xildhibaannada Baarlamaanka kulanka ugu horreeya oo furmaya Axadda. Hadalkan ayaa kasoo baxay kulan uu garwadeen ka ahaa Wasiirka Diinta iyo Owqaafta dalka Jabuuti Dr. Xaamud Cabdi Suldaan oo ka dhacay Madaxtooyada, kaasoo la isugu keenay Madaxda dalka ugu sarreysa oo uu saameeyay khilaafka. Wararka hoose ee laga helayo kulankaas ayaa sheegaya in Sheekh Aadan Madoobe uu diiday inuu xilka ka tago, balse doodo dheer kaddib wuxuu aqbalay in codka kalsoonida ah loo qaado si loo badbaadiyo baarlmaanka iyo Dowladda Soomaaliya. "Kulankii Madaxda Soomaaliya waxaa kasoo baxay in baarlamaanka la furo Axadda, mana jirto sabab aan isku casilo, waayo anigu waxaan hayaa shaqo Qaran, waxaana kalsooni ka haystaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Baarlamaanka" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo la hadlay Saxaafadda. Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu intaas ku daray inuu shaqadiisa uga tagayo oo keliya haddii codsiyo ay uga yimaadaan shacabka, balse uusan isku casilayn hadal kasoo baxay koox gaar ah ama xildhibaanno is abaabulay oo uu ku sheegay Qaran dumis. "Haddii aan maanta iraahdo waan iscasilayaa waxaan rumeysanahay in Shacabka iy Xildhibaannadu aysan iga yeelayn" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay in shirka baarlamaanka ee furmaya uu isagu guddoomin doono. Khilaafka soo dhex galay Barlamaanka Soomaaliya ayaa khatar geliyay jirtaanka dowladda, iyadoo Dowladda Jabuuti oo iskeed isku xil-qaantay ay ku guuleysatay inay xalliso khilaafkaas. Londoneyenet.com
Username:
Password:
Online Users: 2
Total Visits:  
Cali Mahdi 22 Dec 2008
 
 
Copy Right © 2008 Londoneyenet.com All rights Reserved