Maamulaha kooxda Arsenal Wenger oo galas u sheegay in shirkadda lagu magacaabo MEGABUCKS aysan u saxiixi doonin 10 million laga bilaabo haddeer ilaa 2010 taasoo guban doonto haddii uusan Galas ka raalli gelin kooxda Arsenal fadeexadii uu ku sameeyey taageerayaasha iyo sumcadda kooxda intaba.
10 million oo qasab ku noqotey inuu Galas kooxda Arsenal raalli geliyo.
Maamulaha kooxda Arsenal Wenger oo galas u sheegay in shirkadda lagu magacaabo MEGABUCKS aysan u saxiixi doonin 10 million laga bilaabo haddeer ilaa 2010 taasoo guban doonto haddii uusan Galas ka raalli gelin kooxda Arsenal fadeexadii uu ku sameeyey taageerayaasha iyo sumcadda kooxda intaba.

Wenger waxaa uu intaas raaciyey haddii Galas raalli geliyo kooxdiisa albaabku waa u furan yahay waxuuna ciyaari doonaa ciyaarta innagu soo began.
Haddii uu Galas diido inuu raalli geliyo kooxda Arsenal…waxuu Wenger yiraahday Galas waxuu raaci doonaa markabka sagootinta isla markaasna ma saxiixi doono heshiiskii ahaa 10 million ee Megabucks.
Wenger oo ka mid ah macalimiinta ugu magac weyn adduunka isla markaana ah iftiinka kooxda waxuu yiraahdey isagoo careysan ( Galas must grovel in the dressing room before he plays for the Arsenal again).. taasoo uu uga jeeday in Galas soo gurguurto.
Galas-na wuu ogaay haddii uusan saas sameynin iney uga dhamaatey ciyaaraha dalka Ingiriiska, isagoo waqtigan xaadirka ah qaato £ 80.000 asbuucii.
Balse aan ogaanno maalmaha inagu soo socdo halka Galas iyo macalinkiisa ku kale haraan.
Xafiiska London.
Londoneyenet.com