Gool dhaliyaha kooxda Arsenal Van Persie ayaa kooxdiisa ku amaaney sida ay uga bogsootey murugadii ku habsatey kooxdiisa, ka dib Markey 2-1 aan la fileynin kaga adkaadeen kooxda Chelsea oo ay deriska yihiin.
Arsenal waxay ka soo laabteen 1-0 oo ay iyagu iska dhaliyeen cayaata qeybteedii hore,ka dib markii la isugu soo laabtey qeybtii labaad ayaa kooxda Arsenal bilaadowday hanaankii lagu yaqaaney, waxaana intaas u dheeri ahaa iney macallinkooda uu wax ka badelay qaabkii ay ku cayaarayeen ciyaarta qeybteedii hore.
Taasoo haeyd 4-4-2 waxayna qebta labaad ku soo galeen 4-5-1 taasoo sababtey in Arsenal dhaliyaan labo gool oo is daba joog ah.
Guusha kooxda Arsenal galabta gaartey waxay sabab u noqotey in ay gadaal ugu laabtaan booskoodii ahaa kaalinta afaraad.
Ciyaaryahanka u dhashey dalka HOLLAND ee lagu magacaabo VAN PERSIE waxuu sheegay inuu dareemay in Arsenal ay la timid awood iyo dabeecad 20-kii daqiiqo ee ugu dambeeyey taasoo ku dhisneyd aqlaaq dhamaan kooxdu xaambaarsaneyd, waxa uu dhaliyaha kooxda Arsenal intaas raaciyey in qof waliba ay ogsoon tahay 1-0 oo waliba lagu cyaarayo garoonka CHELSEA ay aad u adag tahay balse ugu dambeystii waan badiney.
Van Persie waxaa hadaladiisa ka mid ahaa: maanta ma aheyn maalinteyda, waxayse aheyd maalinteenna, waxaan ahaay ninkii labada gool dhaliyey laakiinse taas macno ma sameeyneyso, ee taas waxaa sameeyey kooxda oo dhan.
Xafiiska wararka
Londoneyenet.com anwar633@hotmail.com