Londoneyenet.com | Local and World News Update
 
 
 
JOSE MOURINHO DROGBA WAA WIILKEYGA OO KALE
This article has been published at: Mon 01 Dec 2008 18: 59: 40 and viewed 249 Times
Tababaraha kooxda Inter Milan oo caddeeyey in ciyaaryahanka lagu magacaabo DROGBA uu yahay wiilkiisa oo kale mar uu ka hadlayey shir jaraa’id oo ay goob ka ahaayeen SKY ITALIA.

 

Jose Mourinho waxaan xasuustaa buu yiri daqiiqad walba oo aan isla joogi jirnay Drogba weli markaan u baahdo, waxaan kaloo xasuustaa buu yiri markii ugu horeysay oo uu CHELSEA imaadey iyo CUP finalkii Wembely siduu iigu soo haan yoodey  ( Drogba waa wiilkeyga oo kale)  waana xilliggii ay Chelsea tacbaanka u aheyd iney wax  uun qaado.

 

Hadeerse way adag tahay inaan wada hadalno sababtoo ah weli waxuu heystaa Chelsea contract waxuuna awood u leeyahay inuu aado kooxda uu doono.

 

Jose Mourinho waxuu yiraahdey weli ma iloobin Drogba waayo buu yiri waa ciyaar yahanka keliya ee I tusay dareen fiican oo uu weliba qirey inuu Chelsea ka tegi doono aniga owgeey abaal baana uga hayaa.

 

Drogba kooxda Inter Mlian wuu la soo xiriiraa laakiin weli ma uusan gaarin go’aan kama dambeys ah, waana fahmi karaa in uusan ku qanacsaneyn CHELSEA balse nolosha marba si ayey kuu qabaneysaa waana hubaa in Drogba masraxa mar uun ku soo laaban doono, waxuuna tababaraha kooxda INTER MILAN hadaladiisa ku soo gebagebeeyey waa geesiga koobabka u qaadey Chelsea afartii sano ee la soo dhaafey.

 

Xafiiska waraka london

Londoneyenet.com

Anwar633@hotmail.com

Username:
Password:
Online Users: 3
Total Visits:  
Cali Mahdi 22 Dec 2008
 
 
Copy Right © 2008 Londoneyenet.com All rights Reserved