Waxaa hubaal ah in qof kasta mar uun booqaneyso qabuuraha, taasoo ah mid xaq ah balse somalida waxay tiraahdaa allaha noo kale dheereeyo.
Waxaa hubaal ah in Allaha u naxariistee Faarax Sandiko ahaa shaqsi baal dahab ah kaga jiro dhinaca sportiga Somaaliyeed xilal badanna ka soo qabtey sidaas owgeed halkan kuma soo koobi karno balse waxaa is weydiin mudan yaa horsed u ahaa in la abaabulo ducadan ka dhacdey waqooyiga London.

Mahadi ha ka gaartee waxaa baroordiiqdaas inoo soo diyaariyey dhalinyarada kale ah Max’ed Buuwe, C/qaadir Biriq, Max’ed Cali Weerow.
Inkastoo dhamaan bahweynta sportiga ee ku dhaqan magaalada London ay wada ogsoon yihiin in Max’ed Buwe yahay ninka kaliya ee ku howlan isku xirka bulshada sportiga, waana shaqsi u diyaarsan dhinacaas oo aan iska yeel-yeelin. Mana ahan qof ku raadiyo nolol adduunyo ama magac intaba… waxaana loogu magac darey abaandulaha cayaaraha ee magaalada London waana nin u diyaarsan jagadaas.

Waxaa kaloo qaban qaabadan hogaan u ahaa xiddigii gobalka Hiiraan C/qaadir Biriq oo ah ciyaar yahankii qadka dhexe uga ciyaari jirey gobaolka Hiiraan isla markaasna ku wareegay kooxdii la oran jirey Petrolka.

Waxaa kaloo qaban qaabadan horseed u ahaa Max’ed Cali Weerow oo ah halyey bulshada Somaaliyeed wada yaqaaniin, waqti aan fogeyna naga soo gaarey dalka Switzerland aqoon fiicanna u leh sportiga in muddo ahna ku soo dhex jirey in kastoo uu shahaadooyin kale duwan ku soo qaatey waddamada kale ah Italia iyo Swetzerland, gaar ahaanna waa garsoore caalami ah ee heerka kubadda cagta.
Odayaashii baroordiiqaas ka soo qeyb galey kana Hadley waxaa ka mid ahaa: Muridi zeen, Axmed shell, C/qaadir isoo mareey, Digeeye iyo Axmed Cilmi.
Ciyaartoydii maalintaas goob jooga ka ahaayeen baroordiiqa waxaa ka mid ahaa: Shiino Guhaad, Siciid Ceeyrow, Bile Madbaco iwm
ugu dambeyntii shabakadda londoneyenet.com waxay mar labaad u mahad-celineysaa dadkii ka dambeeyey baroordiiqa faarax Sandiko kuwaasoo kale ah Max’ed buwe, C/qaadir Biriq, Max’ed Cali Weerow.
Londoneyenet.com
Anwar633@hotmail.com