Londoneyenet.com | Local and World News Update
 
 
 
TOTTI OO 60 MAALMOOD KA MAQNAAN DOONA GAROOMADA
This article has been published at: Tue 23 Dec 2008 14: 32: 19 and viewed 202 Times
Waxaa saakay subaxdinimadii la cadeeyey in FRANCESCO TOTTI uusan ciyaari Karin muddo dhan ilaa iyo lixdan maalmood.

Waxaana arimkaas lagu soo caddeeyey VILLA STAURT Clinic oo ah meesha lagu daaweeyo bukaanka ciyaartoyda ROMA oo ay joogaan dhaqaatiirt u gaarka ah.

 

Kabtanka kooxda Roma oo la saxariirsanaa muruqqa labaad ee lugta midig oo dilaacay  ayaa Scanki saakay la saarey uu saadaaliyey in xaaladiisu ay dariishada ka baxdey, haddii uu ku bosan waayo ilaa 60 maalmood.

 

Waa arin uu aad uga xumaadey macalinka Roma Luciano sppalletti inuu lumiyo Totti oo ah  ragga ay ku tashato kooxdiisa, iyadoo weliba ay kooxdiisa ku soo fool leeyihiin dhinaca Seria A kooxda Milan iyo dhinaca Champion league oo ah kooxda Arsenal.

 

Ninka la aaminsan yahay inuu daaweeyo Totti ama ( talisman)-ka kooxda Roma ayaa sheegay in uu arki doono ciyaaryahan Totti bilowga bisha janaayo ee 2009.

 

Intaas ka dib Waxaan dhihi lahaa waa akhbaar u wanaagsan kooxda Arsenal.

 

Londoneyenet.com

Anwar633@hotmail.com

Username:
Password:
Online Users: 6
Total Visits:  
Cali Mahdi 22 Dec 2008
 
 
Copy Right © 2008 Londoneyenet.com All rights Reserved