Emiliano Isua oo ah 19 jir u dhashey dalka Argentina ayaa sheegay inuu waqigiisa ku dhameysan doono kooxda Liverpool.
Ciyaaryahankan oo ka ciyaara garabka bidix ee difaaca Liverpool ayaa sheegay in kulankii ay la yeesheen kooxda Arsenal ay u aheyd wax lama filan waay ah markii loo magacaabey 11-ka ciyaartoy ee safan doonta kulankaas.
Waxuu kaloo Emiliano sheegay iney fursad u hayd inuu kulankaas ciyaaro, ka dib markii uu tababar wanaagsan ku sameeyey dhinaca carbisk kooxda.
Emiliano ayaa sheegay iney ugu aad u adkeyd kulankan uu la yeeshay Arsenal waayo buu yiri waa koox xirfaddeedu aad u sareeyso, markii aan ka soo baxney qolka dharka lagu bedesho ayaan arkey buu yiri 60 qofood waxayna igu noqotey mucjiso waayo buu yiri weligay ma ciyaarin kulan noocaan oo kale ah.
Waxaan isku dayey inaan ciyaaro kubaddo fufudud si aan u caawiyo weerarka kooxda, waxaana galabtaas u cayaaray si wanaagsan.
Emiliano oo dhowaan heshiis cusub la galey kooxda Liverpool kaasoo ah ilaa 2011,
Waxuuna ciyaaryahankani u muuqdey mid ku qanacsan heshiiskaas, waayo hadaladiisa waxaa ka mid ahaa in ciyaartoyda Dalka Argentina ay ciyaarahooda ku dhameystaan yurubta kale balse isagu uu noqon doono mid joogi doona Dalka Ingiriiska.
Emiliano waxa kaliya ee uu safety intii uu la joogay cayaartii Blackburn ee CARLING Cup iyo Arsenal, premier league taasoo macalinkiisa siiyey kalsooni badan si uu u noqdo ciyaartoy mustaqbal leh.
Fiiro gaar ah: haddii aad dooneysid inaad akhriso qeybta cayaaraha RIIX bogga ciyaaraha ee page-ka koowaad
Londoneyenet.com
Anwar633@hotmail.com