Londoneyenet.com | Local and World News Update
 
 
 
BARCELONA OO KU DURDURISAY DEPARTIVO LA CORUNA.
This article has been published at: Sun 18 Jan 2009 00: 56: 11 and viewed 154 Times
Waxay taageerayaasha kooxda Barcelona ku heesayeen weli ma qanacsanin ilaa aan ka qaadno horyaalka dalka spain.

Waxaase xusid mudan in kooxda Departivo uu ka maqnaa ciyaar yahanka lagu magacaabo Angel Lafita oo uga ciyaaro dhanka bidixda, kaasoo ku maqnaay baa la yiri codsi ahaa inuu ku wareego koox kale oo aan weli

Soo shaac bixin.

 

Ciyaarta qeybteedii hore ayaa Depertivo uu ka muuqdey culeys weyn marka laga reebo labadii daqiiqo ee ugu horey, taasoo suurta gelisay in labo jeer Hennery soo dhiso labo kubadood oo add u fiican, mid ka mid ahna ay u suurto geshay in xiddiga kubadda cagta ee reer Argentina uu u saxiixo Barcelona.

 

Barcelona oo si naxariis darro ah ula ciyaartey depertivo ayaa la sheegayaa in Barcelona ay ku dhowaatey iney jebiso rikoor ma laha u yeelay Dalka Spain 14 daqiiqadood ee ugu horeeyeey, ka dib markii  ETO oo keligiis ah si xoowli badan kubadd ugala soo dhaqaaqey dhanka bidix balse ay u soorta geli weysay inuu dhaliyo goolkaas.

 

Ciyaarta qeybteedii labaad markii la isugu soo noqdey wada tashi badan ka dib ayaa waxaa la filayey iney wax iska bedelaan Depertivo hase yeeshee mar kale ayaa Messi uu la galey kubad balse waxaa ka badbaadiyey ARANZUBIA.

 

Itaas ka dib waxaa daqiiqaddii 81-aad goolkii 4 u saxiixay Hennery halka daqiiqddii 85 uu Eto u saxiixay, waxayna ciyaartaas ku dhamaatey 5-0

 Oo ay ku badisay kooxda Barcelona.

 

Londoneyenet.com

Username:
Password:
Online Users: 1
Total Visits:  
Cali Mahdi 22 Dec 2008
 
 
Copy Right © 2008 Londoneyenet.com All rights Reserved