Londoneyenet.com | Local and World News Update
 
 
 
Ciyaar saxiibtinmo oo dhex mari doonta Italy iyo Brasil ayaa cadaadis xun saartey Amauri iyo macalinkiisa Dunga.
This article has been published at: Mon 26 Jan 2009 19: 08: 56 and viewed 169 Times
Macalinka dalka Brasil Carlos Dunga ayaa aad u xumeeyey ciyaar yahanka lagu magacaabo Amauri ee u ciyaaro kooxda Juventus.

Waxaa beryahanba la hadal hayey in ciyaar yahankani uu qaadan lahaa dhalasho Talyaani ah si uu ugu safto xulka dalka Italy, iyadoo waayahan dambe ay aad u xiiseynayaan ciyaartowda ka timaado qaaradda Afrika iyo Ameerikaba iney qaataan dhalashada waddamada Yurub, taasoo u sahleysa iney canshuurta ay bixiyeen ka yaraato.

 

Sababaha uu tababare Dunga ugu xumeynayo  Amauri ayaa sabab u noqotey inuu ka baajiyo qaadashada passportka Talyaaniga.

 

 

Dunga oo press conference ka hadlayey ayaa waxuu yiri Amauri waa ciyaaryahan dadweynaha muddo badan daawanayeen, muddo badanna aan dusha kale socdey qaab ciyaareedkiisa, ayaa ii suurta gelisay inaan ciyaarsiiyo ciyaarta saaxiibtinimo ee dhex mari doonta Brasil iyo Italy.

 

Waxaan kaloo wacay buu yiri luis fabiano oo u ciyaaro Savilla, Andriano, Pato, oo ka tirsanaayeen Olympic national team, kuwaasoo haddeer aad ugu wanaagsan kooxda Milan iyo Robinho oo mararka qaarkood aad u shidan.

 

Tababare Dunga waxaa kale ee uu wacay ciyaar yahanka qadka dhexe uga ciyaaro Fiorentina oo uu sheegay inuu il gaar ah ku hayey tan iyo waagii uu joogay dalka Spain ilaa uu ka yimaado dalka Talyaaniga.

 

Markii tababare Dunga ay weriyayaal Talyaani ah aad ugu celceliyeen arinka Amauri waxaa uu ugu jawaabey Amauri waa ciyaar yahan reer Brasil

Xaqna u leh inuu ciyaaro, waana 28 jir  waxuuna kooxda Juventusna u saxiixay 11 goal, sidaas daraadeed waa inaan xaqiisa siiyo, balse hadalku ma aheyn sida uu u dhigay……

 

Londoneyenet.com

 

Username:
Password:
Online Users: 1
Total Visits:  
Cali Mahdi 22 Dec 2008
 
 
Copy Right © 2008 Londoneyenet.com All rights Reserved