Londoneyenet.com | Local and World News Update
 
 
 
WARYAA AAMUS ARSENAL WAXAAN DOORTEY SPAIN
This article has been published at: Mon 26 Jan 2009 20: 02: 28 and viewed 202 Times
Ciyaaryahanka lagu magacaabo Ashavin ee u dhashay dalka ruushka ayaa rajadiisu tahay inuu aado dalka Spain ka dib markii ay Arsenal ula imaadey kooxdiisa gor-gortan aad u liita taasoo kicisay dareenkiisa.

 

Ciyaaryahanka ayaa Arsenal ugu baaqey  iney iskala aamusto dambiisha ay meelaha la wareegeyso, waxuuna u sheegay kooxdiisa inuu aadi doono Real ama Barcelona, waayo buu yiri Arsenal aniga ayaa ku qanacsanaay laakiin waxay bilaabeen iney hoos u dhigaan sumcadda aan Yurub iyo Adduunkaba ku leeyahay.

 

Mar wax laga weydiiyey kooxdiisa arinka ashavin waxay warbaahinta u sheegeen in weli wada hadal u socdo iyaga iyo Arsenal ayna u badan tahay inuu ku wareego doono kooxda Arsenal.

 

Inkastoo aan wada ogsoonahay in macalinka Arsenal uu yahay baqiil ku dadaala inuu xajiyo dhaqaalaha kooxdiisa ayaa aniga oo ah qorayaasha shabakadan londoneyenenet.com, mid ka mid ah taageerana u ah kooxda Arsenal waxaan hubaa ineysan dhici doonin in Ashavin yimaado Arsenal, waayo Wenger kama naxo guul darrada kooxda ee waxuu ka naxaa faqrinimada kooxda Arsenal.

 

Inkastoo ciyaar yahan Ashavin uu qirey inuu jeclaa inuu ka ciyaaro dalka Ingiriiska ayaa waxaa qalbi jab weyn uga yimid gor-gortan xumada uu la yimid macalinka Arsenal taasoo aheyd 12 milyan halka heshiisku ahaa 20 milyan, waxayna caradiisu gaarsiisay inuu u leexdo dalka Spain.

 

Waayo waxuu yiri waxaan kooxdeyda la joogey in igu filan marka waa inaan gar iyo gardarroba carogedistaa.

 

Londoneyenet.com

Username:
Password:
Online Users: 2
Total Visits:  
Cali Mahdi 22 Dec 2008
 
 
Copy Right © 2008 Londoneyenet.com All rights Reserved