Londoneyenet.com | Local and World News Update
 
 
 
WENGER OO SHARAXAY SABABAHA UU U XIISAYNAYO CIYAARTOYGA ARSHAVIN
This article has been published at: Tue 10 Feb 2009 16: 19: 34 and viewed 148 Times
Macalinka Arsenal wuxuu sheegay in weeraryahanku uu ku soo kordhin doono kooxda jiho cusub

 

Macalinka Arsenal Arsen Wenger ayaa ugu danbayntii daboolka ka qaaday sababaha ay u daba joogaan in ay hantaan ciyaartoyga qaranka Ruushak Andrei Arshavin.

 

Naadiga waqooyiga London ayaa in muddo ah quudarrayey ciyaaryahanka kooxda  Zenit St Petersburg ee aadka khatarta u ah, inkastoo xirfadlaha reer Faransa uu u muuqday mid ka yare gaabsada su’aalaha ku saabtan ciyaartoygan. Lakin maadaama ay dhamaad ku dhowdahay fursadda ciyaaryahanada lagula kala wareego ee waqtiga jiilaalka (qaboobaha), waxa uu macalinka kooxda Arsenal mudada soo waday ku nuux-nuuxsaday in uu Arshavin kooxdiisa ku soo kordhin doono khibrad aad loogu baahan yahay. Arsenal waxaa u ciyaara ciyaartoyda ka mid ah kuwa ugu da’da yar horyaalka ingiriiska, iyadoo ciyaaryahano muhiim ahi ay waqtigan dhaawac ku maqan yihiin sida, in Cesc Fabregas, Theo Walcott and Tomas Rosicky.

Wenger wuxuu aaminsan yahay in Arshavin uu kooxda ku soo kordhin doono jiho cusub iyo waliba kaalmayn ay kooxdan liidataa u baahan tahay.

“waa nin mari kara ciyaartoy badan gaar ahaan qeybta saddexaad ee garoonka” ayuu Wenger u sheegay website rasmiga ah naadiga “waa ciyaartoy leh xirfad wax lagu kala daadiyo keli ahaan iyo wadar ahaanba”

“waa ciyaar yahay khibrad leh oo 27 jir ah taas oo ah da’ wanaagsan maadaama aanu nahay naadi da’yartu ku badan tahay” Febregas nooma ciyaari doono lixda usbuuc ee soo socota, Walcot nooma ciyaari dooni lixda usbuuc ee soo socota, Rosicky nooma ciyaari doono sideeda usbuuc ee soo socota.

“sida ka muuqata ciyaarta koobka FA  ee dib-loo ciyaarayo waxaanu doonaynaa in aanu tartan walba ku raagno guulna ka soo hoyno, hal qof oo dheeri ahina kaalmo fara badan ayuu nagu soo kordhin karaa”

Londoneyenet.com

 

Username:
Password:
Online Users: 2
Total Visits:  
Cali Mahdi 22 Dec 2008
 
 
Copy Right © 2008 Londoneyenet.com All rights Reserved